531 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh “Mideynta Maaliyadda iyo Amniga ee dalka ayaa aas aas u ah xalka caqabadaha jira”

Madaxweyne Xasan Shiikh “Mideynta Maaliyadda iyo Amniga ee dalka ayaa aas aas u ah xalka caqabadaha jira”
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 29, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixinno ka dhageystay Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweynaha ee xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, xog-ururinta duruufaha ku xeeran deegaannada dalka, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta midnimada iyo wax-wada lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadajir loogu istaago samata-bixinta dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ka jiraan abaarahu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in mideynta hannaanka maaliyadeed iyo amni ee dalka ay aas-aas u tahay xal u helista caqabadaha nololeed ee ku xeeran shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay Madaxda Xarummaha iyo Wasaaradaha heer dowlad-goboleed ee uu kormeeray in ay doorkooda ka qaataan dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post