1056 Views

Xildhibaan Soomaali-Canadian ah oo raaligalin ka bixiyay fasax uu ku qaatay Soomaaliya!!!

Xildhibaan Soomaali-Canadian ah oo raaligalin ka bixiyay fasax uu ku qaatay Soomaaliya!!!
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 06, 2021
–Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka magaaladda Victoria ee dalka Canada, oo lagu magacaabo Sharmaake Dubow, ayaa raaligelin wuxuu ka bixiyey in uu u socdaalay Soomaaliya intii lagu guda jiray fasaxa damaashaadka sanadkii 2020-kii.

Sharmaarke Dubow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu socdaal ku tagay Bariga Afrika xilliyada ciidaha si uu u booqdo qoys uusan arag muddo soddon sano ah.

“Waxaan qorsheynayay oo aan keydsanayay safarkan sanado badan waxaanan ku laabtay Bariga Afrika markii ugu horeysay tan iyo markii aan ka soo qaxay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya 1992 aniga oo yar”

Dubow ayaa sheegay inuu u hoggaansamay tilmaamaha caafimaadka bulshada ee maxalliga ah intii uu maqnaa, uuna iska baaray xanuunka COVID-19 marar badan, ka hor inta uusan ku laaban Canada Jan. 4

Xildhibaanka ayaa haatan karantiil ugu jira hotel ku yaalla magaaladda Vancouver halkaasoo loogu geeyay adeegyadda aas-aasiga ah lana qorsheynayo in uu baaqi kusii ahaado labada todobaad ee soo aadan isaga oo kadib mari doono baaritaano.

Mudanaha ayaa ku biiray siyaasiyiin dhowr ah oo jebiyey xayiraadaha loosoo rogay Covid-19 awadeed, waxaana qaarkood ay iska-casileen xilalkii ay hayeen ka gedaal markii ay kusoo baxdey fadeexadaas aadka u xoogan.

Balse Sharmaake Dubow wuxuu ku adkeystay in uusan is-casili doonin isla markaana uu sii wadi doono in uu metelo ismaamul degaankiisa.

“Waxaan qirayaa inaan tusay go’aan liidasho ah oo aanan tusaale ugu noqonin kiiskan. Waxaan fahansanahay in dad badan ay qaateen go’aanka adag ee ah inaysan booqan qoysaskooda bilihii la soo dhaafay,” ayuu qoray.

 “Waan ogahay hada inay ahayd inaan isla go’aan qaato. Waan ka xumahay waxaana iga go’an inaan wax wanaajiyo oo aan dadaal dheeraad ah u galo dhammaan dadka deggan Victoria”.

Dowlada dhexe ayaa kula talisay dadka reer Kanada inta cudurkan uu socdo inay ka fogaadaan dhamaan safarada aan muhiimka aheyn waxayna soo bandhigtay shuruudo cusub oo tijaabooyin ah todobaadkan kuwa qorsheynaya inay ku safraan diyaarad.

Saraakiisha laga soo doortay Ottawa, Ontario, Alberta, Saskatchewan iyo Quebec waxay la kulmeen cawaaqib xumo xagga safarka ah, qaar ka mid ah dibedda dalka, markii ay dawladuhu ka codsadeen dadka deegaanka inay sii joogaan si looga hortago faafitaanka COVID-19.

Ontario’s Rod Phillips ayaa iska casilay xilka wasiirka maaliyadda khamiistii kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku joogay Caribbean.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post