204 Views

Saraakiisha Mareykanka oo bilaabay markii labo diyaaradood oo rakaabah ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan garoonka magaalada New York

Saraakiisha Mareykanka oo  bilaabay markii labo diyaaradood oo rakaabah ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan garoonka magaalada New York
____________________________________________________________________________

Talaado: January 17 2023

Saraakiisha Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan, kadib markii labo diyaaradood oo rakaab ka buuxan, ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan garoonka diyaaradaha magaalada New York todobaadkii hore.

Diyaaradaha isku dhici gaaray, ayaa xiliga wuxuu ku beegnaa Jimcihii lasoo dhaafay, iyadoo garoonka caalamiga ah ee John F Kennedy, ay isku sigteen diyaaradaha Boeing 777, oo ku wajahneyd Ingiriiska Ingiriiska, iyo Boeing 737 oo ku sii jeeday Jamhuuriyadda Dominican.

Mid ka mid ah diyaaradahan, ayaa qorsheynaysay inay kacdo, halka midda kalena ay ka gudbaysay isla dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Isku dhaca shilka, ayaa la baajiyay, markii uu ogaadey ruux ku jira qeybta laga hago diyaaradaha, in labada diyaarad ay isku soo dhowaadeen.

Isaga oo isticmaalaya ogeysiin degdeg ah, hagaha hawo-mareenka, ayaa isku dayay inuu joojiyo diyaaradda Delta, xilli ay isku diyaarinaysay in ay baalashada kor u qaado.

Diyaarada Delta Air Lines Boeing 737 ayaa markaas ka joogsatay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, halka diyaaradda American Airlines Boeing 777, ay si nabad ah uga gudubtay diyaaraddii kale horteeda, abbaare 20:45 EST (01:45 GMT), ayay sheegeen Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA).

FAA ayaa sheegtay in diyaaraduhu ay isu jireen ilaa 1,000ft (300m), markii ay joogsatay diyaarada Delta. Waxaa la bilaabay baaritaan ku saabsan isku dhacan la isku sigtay.

Diyaaradda Delta Air Lines, ayaa waxaa la socday 145 rakaab ah iyo lix shaqaale ah, halka diyaaradda labaad ee American Airlines ay la saarnaayeen 137 rakaab ah iyo 14 shaqaale ah.

\Office Nairbi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post