756 Views

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay tallaalka COVID-19

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay tallaalka COVID-19
____________________________________________________________________________

Khamiis:May 26,. 2022

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Pfizer ee loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka mid ah ballanqaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo xanuunka COVID-19, isagoo u maraya qaybinta tallaalka COVAX.

Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo ah tallaalka COVID-19, kaasi oo adduunka oo dhan ah, Ilaa hadda Maraykanka 500 milyan oo tallaal ah ayuu  gaarsiiyay in ka badan 115 waddan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post