624 Views

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed oo magaalada Kismaayo saakay ku wajahan si uu ula kulmo dhiggiisa Axmed Madoobe

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed oo  magaalada Kismaayo saakay ku wajahan  si uu ula kulmo dhiggiisa Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland si uu ula kulmo dhiggiisa Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ilo ku dhaw Safarka madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Mustaqbal u sheegay in Cabdicasiis Laftagareen & Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay kawada hadlayaan arrimaha Doorashooyinka Dalka.

DG Koofur Galbeed ayaa dooratay 11 XIldhibaan oo Golaha Shacabka ah, Balse Dowlad-Goboleedka Jubbaland weli ma shaacin kuraas kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee Federaalka.

Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa 15kii November 2021 safar aan horay loosii shaacin ku tagay Magaalada Garoowe ee xarunta DG Puntland, maalmo uu ku sugnaa waxa uu la kulmay Siciid Cabdullaahi Deni waxaana ay diiradda saareen arrimaha Doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post