945 Views

dukaamada iyo kaalmaha shidaalka ee magaala xeebeedka Durban ee Koonfur Afrika

dukaamada iyo kaalmaha shidaalka ee magaala xeebeedka Durban ee Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Safaf dhaadheer ayaa waxa ay ka samaysmeen dukaamada iyo kaalmaha shidaalka ee magaala xeebeedka Durban ee Koonfur Afrika kaddib maalmo ay jireen deganaanshiyo la’aan ku yimid xariga madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma.

Kooxaha dabdamiska oo kaashanaya dadka rayidka ah oo xaaqin wata ayaa waxa ay nadiifinayaan wasakhda ay waddooyinka uga tageen kooxaha rabshadaha waday.

Dad qalalaase waday ayaa waxa ay xadeen oo ay burburiyeen dukaamo, arrintaas oo horseedday gabaabsi baahsan oo dhanka badeecadaha ah.

Waxaa kaloo la carqaladeeyay wadada muhiimka ah ee gasha dekadda magaalada Durban iyadoo la xiray wadooyinka iyo khadadka tareenka ee dhismahaas gala.

Dhanka kale waxaa si ku meelgaar ah loo xiray goobta ugu wayn ee shidaalka lagu sifeeyo ee dalkaasi.

Halka in ka badan 70 qof la dilay 1200 oo qofna loo xiray qalalaasaha.

Magaalooyinka ay rabshadaha sida weyn u saameeyeen waxaa kamid ah magaalada Durban, halkaas oo lagu dilay ganacsato Soomaali ah, qaar waa ay ku dhaawacmeen halka kuwo kalana ay ku xayiran yihiin.

Dadkaasi xayiran waxaaa ka mid ah Cabdullahi Macallin Maxamed oo isagoo ku go’doonsan magaalada magaalada Durban khadka telefoonka ugu warramay Xasan Sheekh Cumar.Dhanka kale Xoghayaha Koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee waddanka Koonfur Afrika, Ismaaciil Cabadalla Soomane ayaa baaq u diray Soomaalida dalkaas ku ganacsata, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBCda Xasan Sheekh Cumar.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post