1047 Views

DFS oo ka hadashay Soomaalida laga soo badbaadiyay colaada Ukraine

DFS oo ka hadashay Soomaalida laga soo badbaadiyay colaada Ukraine
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa looga hadlay Xog dheeraad ah ee ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay  farxad u tahay in ay ku dhawaaqdo in 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda waxey sheegtay in ay  fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrisay ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay usoo samatabixin lahayd dadka soomaaliyeed ee ku go,doosan dalka Ukraine kaas oo ay ka socoto Colaad u dhaxeysa ciidamada dalkaas iyo kuwa Ruushka oo dalkaas duulaan kusoo galay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post