837 Views

Daahir Geelle oo laba Arrin ku eedeeyey Madaxda Dowladda

Daahir Geelle oo laba Arrin ku eedeeyey Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socata sidoo kalena laba jeer soo noqdey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda Dowladda ay isku dayayaan inay sameeyaan muddo kororsi oo waqtigeeda aysan doorash ku dhicin.

 

Waxa uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal in xataa hadii ay awoodaan in 20 Sano sii joogi karaan ay jeclaan lahaayeen Madaxda Dowladda,hayeeshee dadka Soomaaliyeed iyo Saamileyda Siyaasada aysan aqbaleyn oo fahmeen in loo baahan yahay isbedel.

 

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku yaqaano fal ceebeed oo la xiriira dhinaca doorashooyinka,hayeeshee uu sheegay in ay ka Shaqeynayan in la helo doorasho ku dhacda xor iyo xalaal.

 

Arrimaha ku saabsan khilaafka dhinaca Waxbarashada ee ka dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Puntland,waxaana uu ugu baaqay Madaxda Dowladda in cid kasta oo ku soo baxda doorahooyinka ka dhaca Maamul goboleedyada,isla markaana aysan saameyn ku yeelan Waxbarashada iyo wax kasta oo wax loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment