1167 Views

Wasiir Goodax Oo Sheegay In Wasaaradda Waxbarashada Ay Xiri Karto Baraha Bulshada

Wasiir Goodax Oo Sheegay In Wasaaradda Waxbarashada Ay Xiri Karto Baraha Bulshada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaradda ay xiri karto Baraha Bulshada hadii ay u baahato.

Wasiir Goodax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada codsi u qortay Maxkamadda Sare ee dalka,kaasi oo ay uga codsaneyso in la xakameyo Baraha Bulshada Waqtiga Imtixaanka, hadii ay baahi timaado.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in Codsigaas Maxkamadda ay ka aqbashay,isla markaana Wasaaraddu ay heysato Awood ah in la xiro baraha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta aan la xirin baraha Bulshada,sababta ayuu ku sheegay inay tahay in aysan jirin baahi loo qabo in la xiro.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya,isla markaana waxaa u fariisatay in ka badan 31 kun oo ah Arday Soomaaliyeed..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment