1098 Views

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray Xerooyin Ciidan

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray Xerooyin Ciidan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 19 2020–Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha Tababarka Qaybta 21-aad.

Xeradaas ayaa waxaa ku jira Ciidamo in mudo ahba uu u socdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada looga saarayo deegaanada Al-Shabaab deegaannada ay ka joogaan Galmudug.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsiga kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxaa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto aqoontooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment