270 Views

Ergeyga gaarka u qaabilsan Somaliya Abaaraha Abdirahman Abdishakur oo magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay

Ergeyga gaarka u qaabilsan Somaliya  Abaaraha  Abdirahman Abdishakur  oo  magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay
____________________________________________________________________________

khamiis: December 1, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay wafdiga Maraykanka ee ka qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Waftiga waxaa hor kacayay ku xigeenka Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha bani’aadannimada, Ms Elizabeth H. Campbell, iyo Amy E Pope oo ah ku xigeenka IOM, haatanna u sharraxan xilka Agaasimaha Guud ee IOM.

Ergeyga ayaa dawladda Maraykanka uga mahad celiyey kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha, isagoo dhanka kale ka codsaday in dawladda Soomaaliya lagala shaqeeyo ka hortaga soo noqnoqashada abaaraha, taasoo ku imaan karta in la maalgeliyo mashaariic wax tar leh dadka oo abaaraha looga hortago sida; tayeynta wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo daaqa iyo sidoo kale in la hirgeliyo istiraatiijiyadda biyaha ee dawladda Soomaaliya, lana maalgeliyo kallumaysiga, dhaqashada xoolaha iyo dhiraynta degaanka.

Dawladda Maraykanka ayaa dhinacooda ballanqaaday in Soomaaliya kala shaqaynayaan sidii ay mashaariicdaasi ku hirgelin lahayd.

Ergayga waxaa ku wehliyey kulanka saraakiil ka socota xafiiska ergeyga iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post