1359 Views

Shir looga hadlayo halista Cudurka Coronavirus oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo halista Cudurka Coronavirus oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shir looga hadlayo halista uu leeyahay cudurka Coronavirus,kaas oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

 

Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Madax kale.

 

 

 

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigey calaamadaha lagu yaqaano Cudurka iyo siyabaha lagu kala qaado,iyada oo la isku weeydaarsanayo fikrado ku aadan sida looga hortegi karo.

 

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Gadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho waxaa ay ka bilaawdey baaris lagu sameynayo dadka kasoo degaya Garoonka.

 

Hoos Ka Arag sid Cudurka lagu kala qaado iyo Astaamaha lagu yaqaan oo Shirka lagu soo bandhigey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment