921 Views

Wasiirka Arrimaha oo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya kala hadlay dhibaatada haysata Somalida joogta Turkiga

Wasiirka Arrimaha oo  Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya kala hadlay dhibaatada haysata Somalida  joogta Turkiga
____________________________________________________________________________

 Isniin: November 1, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, waxayna labada masuul yeesheen kulan si qotodheer loogu gorfeeyey sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda heerka iskaashiga laba dhinaclaha ee dhinacyada dhaqaalaha, is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin ganacsatada labada dhinac ay is-weydaarsadaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay Turkiga la leedahay xiriir adag oo soo jireen ah oo ku dhisan tiirar taariikhi ah oo faca weyn.”

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ahaa dowladda Soomaaliya, wixii ka dambeeyey booqashadii uu madaxweyne Erdogaan ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii , xilligaas oo xalad adag ay ka jirtay dalkeenna, isla markaana uu caalamku ka jeestay dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya oo wajaheysay abaaro sababay macaluul daran iyo colaado daba dheeraaday.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sidoo kale kulankaan dhexmaray safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordheysay cabashada Soomaalida ku nool dalka Turkiga, kuwaas oo lagu sameynayo musaafurin iyo dabagal adag oo dhanka sharciyada ah.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha halkaas

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post