747 Views

Al-Shabaab oo Saakay weerar madaafiic ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland

Al-Shabaab oo  Saakay  weerar madaafiic ku qaaday  Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay Saaka weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Ciidanka Puntland ayaa rasaas culus uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay duqeeyen goobtii laga soo tuuray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post