666 Views

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka

Guddoomiyaha  degmada Garbahaarey oo  sheegay  inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10 2021

Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi.

Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay ayaa tilmaamay inuu xilka wareejin doono kadib marka uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacadaha soo socdo ku wajahay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey.

Dhinaca kale Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamulka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doorashada kuraasta taal halkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post