1281 Views

Daawo Faah Faahin:-Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Daawo Faah Faahin:-Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  Qaranimo Onliine u sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin,dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray dhismayaasha maqaayadaha la weeraray,dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,hay’adaha amniguna waxa war ah kama soosaarin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment