984 Views

Maxkamadda Ciidamada Puntland Galkacyo oo xukun dil ah ku ridday shan xubnood

Maxkamadda Ciidamada Puntland Galkacyo oo  xukun dil ah ku ridday  shan xubnood
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Wararka ka imaanaya magaalada galkacyo ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Puntland ee magaalada Galkacyo, ay xukun dil ah ku ridday  shan xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shantan xubnood ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal kala duwan ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacyo sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii looga shakiyay falal la xiriira Shabaabnimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post