3084 Views

Puntland oo maanta uu ka bilaawday Tallaalka COVID-19

Puntland oo maanta uu ka bilaawday Tallaalka COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Waxaa maanta Puntland ka bilaawday Tallaalka Covid19, kaasi oo wasiirka cadaalada,Dastuurka, arimaha diinta iyo dhaqan celinta uu ka furay xarunta wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal.

Waxaa ka qaybgalay furitaanka talaalka Wasiirka Caafimaadka oo uu weheliyo kuxigeenkiisa iyo agaasimaha guud, sidoo kale waxaa goob ka ahaa saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo UNICEF.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka talaalka ayaa yiri:-

“ Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka duulaysa helitaanka talaal lagu kalsoonaan karo ayaa maanta halkaan waxay ka daahfuraysaa tallaalka Covid19 oo ilaa 40 goobood hal mar ka wada bilaabanaya, xarumahan ayaa ku kala yaala 9 gobol ee Puntland.”

“Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska,Dadka waaweyn ee qaba xanuunada Sonkorta iyo dhiig karka.”

Talaalka ayaa socon doona 10 bari waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May Ee sanadkan, talaalka maanta bilawday ayaa ka kooban 40,000 oo dos, marka dadka loogu talagalay dhamaadaan ayaa loo ogolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.”

Wasiirka cadaalada, Dastuurka, Arimaha Diinta iyo dhaqancelinta Cawil Sheekh Hamid oo tallaalka furay ayaa yiri:- “ Waxaan ku faraxsanahay inaan kala soo qaybgalo Wasaaradda caafimaadka daahfurka loo samaynayo talaalka Covid19 Puntland oo maanta bilaabanaya waxaaan uga mahadcelinayaa wasaaradda dadaalka ay galisay helitaanka talaalka iyo inay ka shaqaysay inuu wada gaaro dhamaan deegaada Puntland, waliba isaga oo lagu heli karo si bilaash ah.”

“Waxaan muwaadiniinta usoo jeedinayaa inay talaalka qataan oo badbaadiyaan naftooda iyo tan qoyskooda.”

Puntland ayaa noqonaysa meesha kaliya Soomaliya ee talaalka laga bixiyo 40 goobood oo iskugu jira kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, wasaaradda caafimaadka waxaa masuuliyada ka saarantahay badbaadinta bulshadda dhanka caafimaadka iyo helida adeeg Caafimaad oo tayo leh laguna kalsoonaan karo.

Dhamaanteen aan ka badbaadino nafteena iyo nafta dadka kale COVID-19 ee fadlan Xiro af xirka (Facemask), Gacamahaagan si joogata ah ugu dhaq shaambo ama saabuun, Dadka kale u jirso masaafo 1 mitir ah sidoo kale qaado Tallaalka COVID-19 oo kordhi difaaca jirkaaga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post