1164 Views

SAWIRO:-Banaanbaxyo ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb

SAWIRO:-Banaanbaxyo ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta banaanbax ka dhigay Gaadiidleyda ku nool Magaladaas kuwaas oo ka cabanaya qiimo koror lagu sameeyey Aqoonsiyada Gaadiidka.

 

Darawalada Gaadiidka sida, kuwa nooca raaxada iyo Mooto Bajaajta ayaa waxaa ay isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta Dhuusamareeb, iyaga oo maamulka ka dalbaday in ay ka fiirsadaan qorshahaas inta aan la hirgelin.

Darawalada ayaa shaki waxa ay geliyeen halka uu ka Shaqeyn doono Taargada iyo leysinka  Gaadiidka, iyada oo xilligaan uu jiro khilafka siyaasadeed ee Hoggaanka Galmudug , kaas oo kala xir xiray isku socodka Magaalooyinka qaar.

Dhinaca kale waxaa Maanta banaanbax uu ka dhacay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugal,waxaana banaanbaxaas uu ahaa mid looga soo horjeedo falalka kufsiga ah ee kusoo batay deegaanada Puntland.

Boqolaal ka mid ah dadka ku nool Garoowe oo u badan haween ayaa banaanbaxa dhigay,waxaana ay ka dalbadeen Golaha xukuumadda Puntland in cadaaladda la horkeeno dadka loo heysto falalka kufsiga la xiriira.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment