966 Views

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo manta shir deg deg ah ka yeelanaya ismari waaga ka taagan doorasha Soomaaliya

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo manta shir deg deg ah ka yeelanaya ismari waaga ka taagan doorasha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

April 22-2021

 Waxaa maanta la filayaa in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir deg deg ah ka yeeshaan ismari waaga ka taagan doorasha Soomaaliya iyo xaalada cakiran uu xiligan dalka marayo.

Sida ay sheegayaan wararka midowga Afrika ayaa qaadan doono door hoggaamineed oo ku aadan xal u helida jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Ergey cusub oo dhex dhexaadiya dhinacyada isku hayo siyaasada soomaaliya.

Shirka midowga Afrika ayaa marka uu soo dhamaado ayaa la filayaa in warmurtiyeed ay ka soo saaraan marxalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu madaxweynaha Congo ka dalbaday inuu dhex dhexaadiyo mucaaradka iyo dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post