585 Views

Ra’iisul Wasaare Xamze oo qaabilay qaar ka mid ah Safiirada caalamka

____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ,oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post