1077 Views

Shirkadda Facebook oo qorsheyneysa iney shaqaaley siiso 10,000 oo qof

Shirkadda Facebook oo  qorsheyneysa iney shaqaaley siiso 10,000 oo qof
____________________________________________________________________________

Isniin: October 18, 2021

Shirkadda Facebook, ayaa qorsheyneysa iney shaqaaley siiso 10,000 oo qof, kuwaasoo kasoo jeeda dalalka ku yaalla Midowga Yurub, si ay u horumariyaan waxa looggu yeero metaverse.

Metaverse, waa duni On-Line ah, halkaasoo ay dadku ciyaari karaan, ku shaqeyn karaan, isla markaana ay ku wada xiriiri karayaan, iyagoo adeeg sanaya madaxa metaverse.

Maamulaha Facebook, Mark Zuckerber, ayaa ah qofka soo curiyey, hor kacayana fikraddan.

Ku dhawaaqista adeegan, ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Facebook ay la tacaaleyso hoos u dhac fadeexad waxyeello leh oo soo gaartey.

Waxaa soo baxaya dalabyo badan oo la xiriira shirkadda Facebook, taasoo lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynteeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post