306 Views

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abril 06 2023 — Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Golaha ayaa ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

_________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post