1452 Views

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Oo Soo Gaaray Muqdisho

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Oo Soo Gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 19, 2019 –Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti kornel Cabdullaahi Cabdi,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica), Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Maxamed Aadan Koofi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada dowlada dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica) oo ah  Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada lagu soo tababaro wadamada dariska ah ay ugu taya badan yuhiin, kuwa lagu soo tababaray wadanka Jabuuti.

Taliyaha Booliska Dalka Jabuuti ayaa Madaxda dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,isagoona inta uu ku sugan yahay Magaalada kulamo kala duwan la qaadan doono Saraakiisha sare ee dowladda Soomaaliya.

Bilowa todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho booqasho qaadatay laba maalmood ku yimid Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment