810 Views

Qarax goor dhawayd ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan

Qarax goor dhawayd ka dhacay  agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Sidoo kale Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post