897 Views

Jaamacadaha Afganistan oo dhaqan geliyay Amar ka soo baxay Kooxda Taalibaan

Jaamacadaha Afganistan oo dhaqan geliyay Amar ka soo baxay Kooxda Taalibaan
____________________________________________________________________________

Talaado: September 7, 2021

  Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa soo saartay amaro cusub oo laga hirgalinayo dalkaasi, waxaana amarada Taalibaan hada bilaabay in ay dhaqan geliyaan Jaamacadaha dalkaasi kuyaala.

Jaamacadaha kuyaala dalka Afganistan qaarkood ayaa hada bilaabay in wiilshada iyo gabdhaha fasalada wada dhigta meel kala gooni ah fariistaan sidoo kale waxaa loo sameeyay xeyndaab Daah lagu xiray.

Sawirro lasoo qaaday ayaa lagu arkayay wiilashada iyo gabdhaha oo markii hore fasal wada fadhin jiray hada loo sameeyay xeyndaab suurto galinaya in aysan is arag balse hal Macalin uu cashar u wada dhigo.

about:blank Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa hada dalkaasi ka hirgalineysa shareecada islaamka, waxa ayna mamnuuceen in meel wada joogaan raga iyo dumarka ajnabiga kala ah.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post