1125 Views

QM oo Beesha Caalamka ugu baaqday inaysan marnaba joojin taageeradooda Somalia

QM oo Beesha Caalamka ugu baaqday inaysan marnaba joojin taageeradooda Somalia
____________________________________________________________________________

Xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa si weyn isha loogu wada hayay todobaadkii la soo dhaafay iyadoo ay booqashadeedii ugu horreysay ku timid Khabiir madax-banaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahan.

Isha Dyfan, waxay sheegtay inay kusoo aragtay Soomaaliya horumar iyo caqabado, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inaysan joojin taageeradooda Soomaaliya ,” Khabiirka Madaxa-bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa shir jaraa’id ku sheegtay hadalkan iyada oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay tagto tan iyo bishii May 2020 markii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay u magacaabay jagadaas, si ay ula socoto xaaladda xuquuqal insaanka ee Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale booqatay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Lafta-gareen’ iyo mas’uuliyiin kale, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah.

Isha Dyfan, waxay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqday in dumarku qoondadooda ka helaan kuraasta dhiman ee aqalka hoose, waxay sidoo kale ku baaqday in fursad isku mida lasiiyo bulshada iyadoo aan loo eegayn kala duwanaanshahooda.

Hiiraan Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post