888 Views

Cayaaryahan Christian Eriksen oo Xalay ku dhacay Garoonka oo xaaladiisa soo gagaagayso.

Cayaaryahan Christian Eriksen  oo Xalay ku dhacay Garoonka oo xaaladiisa soo gagaagayso.
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara dalka Denmark Christian Eriksen ayaa imika soo y is “miirsaday” ka dib markii uu taagnida ka dhacay xilli ay socotay ciyaar koobka Yurub oo u dhaxeysay dalalka Finland iyo Denmark, waxaa sidaasi sheegay xiriirka ciyaaraha ee dalka Denmark.

Daqiiqaddii 40aad ayaa la joojiyey kulankii u dhexeeyey labada waddan ee Denmark iyo Finland kaddib markii uu dhulka ku dhacay oo uu miir daboolmay Christian Eriksen, ka dib-na loola cararay isbitaalka.

Garsoore Anthony Taylor ayaa isla markiiba codsaday gargaar caafimaad Eriksen wuxuu uu adeeg caafimaad o degdeg ah.

Xaaladda 29-jirka ayaa ” imika deggan”, sida ay sheegeen qaban-qaabiyaasha tartanka ciyaaraha koobka Yurub.

Ciyaartoyda Finland ayaa bogaadiyay dhiggooda Denmark markii ay ciyaartooyadu dib ugu soo laabteen garoonka si ay ciyaarta u sii wataan.

Qaban qaabiyaasha Uefa ayaa sheegay in ay ogolaadeen in dib loo bilaabo ciyaarta “kadib codsi ay soo jeediyeen ciyaartoyda labada koox”.

Madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin ayaa yiri: “Daqiiqadaha sidan oo kale ah waa kuwa ku baraarujinaya. Waxaan u rajeynayaa Christian caafimaad buuxa oo deg deg ah waxaanan u duceynayaa qoyskiisa.

Bishii la soo dhaafay, Eriksen wuxuu ka caawiyay kooxda Inter Milan inay hanato horyaalkoodii ugu horreeyay ee Talyaani muddo 11 sano ah xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee buuxa ee kooxda, ka dib markii ay ka soo lacag dhan £ 16.9 milyan ay kaga soo iibsadeen kooxda Spurs bishii Janaayo 2020.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post