1107 Views

Kulan ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka heysta deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka heysta deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 14, 2021

Kulan aqoon is waydaarsi ah oo lagu lafa gurayo dhibaatooyinka deegaanka haysta iyo doorka ganacsatada Soomaaliyeed ka qaadan karaan badbaadinta deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Agaasinka Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa daah-furay shirka, isagoo tilmaamay in dawladda Soomaaliya ay soo saartay shuruuc ku saabsaan ilaalinta Deegaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ee dalka..

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Muqdishu oo ay hogaaminayso Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed , sida shirkadaha isgaarsiinta, Korontada iyo ganacsatada yaryar ee Bagaashka.

Sidoo kale waxaa ka qayb galay aqoonyahano ku xeeldheer arrimaha deegaanka, kuwaas oo aragtiyo muhiim ah ka bixiyay sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatooyinka deegaanka.

Ugu danbayn kulanka waxaa looga dooday dhibaatooyinka deegaanka ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo waliba doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku yeelan lahaayeen xalka waara ee deegaanka.

Xigasho radiomuqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post