576 Views

Madaxweynaha Kazakhstan oo ku tilmaamey rabshadaha ka socda dalkiisa afgambi

Madaxweynaha Kazakhstan oo ku tilmaamey rabshadaha ka socda dalkiisa afgambi
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

   Madaxweynaha Kazakhstan, Kassim Tokayev, ayaa ku macneeyey isku dhacyada lagu hoobtey ee dalkaasi ka dhacayey toddobaadkii lasoo dhaafey afgambi.

Wuxuu u sheegay hoggaamiyeyaasha military-ga isbaheysiga, kuwaasoo ka socda dalal kamid ahaan jirey Midowgii Soofiyeeti ee burburey, iney jiraan xarun laga hagayo qulqulatooyinkan, laakiin ma uusan carab baabin kuwa ka mas’uulka ah.

Madaxweyne Putin, ayaa sheegay in Kazakhstan ay bartilmaameed sadeen haatan argagaxiso caalami ah, isagoo intaa ku darey in Ruushku aanu waligii oggolaan doonin in dalkani ka dhaco kacdoon dadweyne, maadaama ay isku gobol ku yaallaan.

Ciidamo ka socda Ruushka iyo dalal kale, ayaa haatan kusugan Kazakhstan, si ay usoo celiyaan kala danbeynta.

Dibad baxyada ayaa markii hore waxey ka dhasheen sicirka shidaalka oo kor loo qaadey, ha yeeshee markii danbe waxey isku badaleen qalalaaso, taasoo aaney dalkani soo marin 30 kii sano ee u danbeeyey.

Tiro dad ah ayaa dhintey, iyadoo ay ku jiraan 16 kamid ah ciidanka ammaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post