330 Views

Ciidamo ka tirsan Beesha Duduble oo ka ruqaansaday Dhuusamareeb oo Xalay gaaray God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan  Beesha Duduble oo ka ruqaansaday Dhuusamareeb oo  Xalay gaaray God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 8, 2022

Ciidamo ka tirsan DF oo ka soo jeeda Beesha Duduble oo shalay  ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa Xalay gaaray halka loo yaqaano God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub kale ayaa la soo sheegayaa iney wataan ciidamadan oo maalmahanba lagu abaabulayey magaalada Dhuusamareeb, qaarkoodna laga duuliyey Muqdisho.

Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney iskaga baxeen degaanka Xiindheere oo muddo dheer ay ka talinayeen, ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, iyagoo aaday degaanada kale ee Al-shabaab ka joogaan gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan kuwa horkacaya ciidamada dowlada ayaa sheegay iney Xiindheere ku waabariisan doonaan inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Al-shabaab ay qaraxyo ku aaseen goobaha ay ciidamadu ka geli karaan degaankaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post