129 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo sheegay inay jiraan dad u dhashay Kenya, oo dalalka Carabta khamriga lagu saqkhraamo ku sameeyo

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo  sheegay inay jiraan dad u dhashay Kenya, oo dalalka Carabta khamriga lagu saqkhraamo ku sameeyo
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 19, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Alfred Mutua, ayaa sheegay inay jiraan dad u dhashay Kenya, oo dalalka Carabta khamriga lagu saqkhraamo ku sameeyo, taasoo sharci darro ka ah dalalkaasi, oo aan la ogoleyn.

“Taasi waxay jabisay qalbigayga, ayuu ka sheegay TV ka hawl gala gudaha ah oo la yiraahdo, Citizen TV.

Waxa uu sheegay in Kenyanka falalka sharci darrada ah ku kacaya ay wiiqayaan, dadaallada dowladda ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha muwaadiniinteeda ku sugan dibadda.

Waxa uu ka jawaabayay walaaca laga qabo in qaar kamid ah dadka Kenyaanka ah, ay soo wajahaan dhibaatooyin ay kamid yihiin warbixinada xadgudubyada loo geysto dadka ka shaqeeya dalalka dhaca Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay sameyneyso wax walba oo lagu hagaajinayo daryeelka dadka Kenyaanka ah, ee halkaasi ku sugan.

Waxa uu sheegay in xaaladdu aanay u xumayn sida ay u muuqato, markii uu kal hore safar shaqo ku tagay Sucuudiga, wax yar un ka dib markii loo magacaabay jagada wasiirka arrimaha dibadda.

“Dhibaatada ayaa ah in qaar kamid ah dadka Kenyaanka ah, ay galaan falal sharci-darro ah, iyo dambiyo marka ay halkaas tagaan,” ayuu intaa ku daray wasiirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post