756 Views

Qaramada Midoobay oo aad uga Dayrinaysa Xaladda dadka ku nool gobolka Tigray

Qaramada Midoobay  oo aad uga Dayrinaysa Xaladda dadka ku nool gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ayaa sheegtay in in ka badan boqolkiiba sagashan ee dadka ku nool gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ay u baahanyihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahanahay laba milyan oo doolar si ay u quudiyaan in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolkaasi.

Boqolaal kun oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahnaa gargaar cunto kahor intaysan colaaddu bilaaban.

Tan iyo markaas, waxaa sare ugu kacday tirada iyadoo Qaramada Midoobay ay todobaadkii hore ka digtay cunto la’aan bahsan, waa hadii la kordhin waayo caawimaadda.

Iyadoo ay sii kordheyso heerka nafaqa darada, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP ku baaqday xabad joojin si ay u helaan marin ay cunto ku gaarsiin karaan gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post