774 Views

FARXADA QALBIGA W/Q ABUBAKAR MOHAMMED

____________________________________________________________________________

Sebti, 22 Janaayo [Qaranimo Online]

FARXADA QALBIGA W/Q ABUBAKAR MOHAMMED 

Ma ogtahay in farxadaada ay ka timaaddo qalbigaaga, markasta qalbigaaga ay tahay qalbi nadiif ah, waxaa fududaanayo in farxadda qalbigaaga ku jirto ay ka muuqato wajigaaga. Markasta aad dadka cafiso, una dulqaadato dhibaatooyinka aad kala kulmaysid, macnaheeda waxay tahay farxaddaada ayaad muujisay. 

Cafiska iyo dulqaadka waxay ka tirtiraan qalbigaaga, muruggada iyo mugdiga. Waxaadna helaysaa nafis raaxo ah oo ka imaanaya qalbigaaga. Waxayna kaaga dhigaysaa qofka sokeeya saaxiib, laakiin haddii aad qalbigaaga gelisid dhibaatooyinka dadka kaa sameeyay, waxa dhacaayo, in farxaddaada ay nusqaanto, murugtana ay hesho boos ay ka degto qalbigaaga. 

Xasuusashada badan ee dhibaatooyinka lagugu sameeyay dib u dhac ayay kugu keeni kartaa, cashar ka baro oo dadaal si mustaqbalkaagu u noqdo mid qurxoon. Dabayshu waxay u socotaa hore, adiga marka aad soconaysid waxaad u socotaa hore, adduunkuna wuxuu u socdaa hore, qofka caqliga lehna wuxuu ka fikiraa waxa soo socda, sidaas awgeed, dhibaatooyinka laguugu sameeyay haddii aad ka socoto, oo aadan u istaagin sooma ahan, waxa qalbigaaga farxad gelinaayo, rabigaaguna kugu jeclaanayo.

“Qofkii iska cafiya, oo wanaajiya ajarkiisa 

Alle ayaa siinaya.” – Surah Ash-Shuraa Ayah 40 

Ma Cafin Kari ? 

Dhibaatooyinka lagugu sameeyay, sabab u noqday in aad habeenno badan soo jeedo, xanuunkeeda adiga keli ah ayaa dareensan, in aad iska cafiso waa arrin aad u dhib badan, laakiin ma ogtahay cafisku in aad adiga wax badan ka faa’iidaysid, inta aan la gaarin qofka ku dhibaateeyay, tusaale ahaan: 

Haddii aad xanaaqdo qalbigaaga geliso cuqdad, wajigaagana murugo ka muuqato, ama habeen badan aad la jiifan waydo adiga oo ciil ku hayo, markaas yaa dhib qaba; ma adiga miseqofka dhib kugu sameeyay? Adiga uun baa wadnahaaga dhibaato u geysanaya ee qofka kale waxba ma aadan u dhibin! 

Alle wuxuu leeyahay: “ Mana isku eka wanaag iyo xumaan, bixi arrinta fiican markaas waxa soobixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib”. 

Waxa laga yaabaa in dadka qaar saamaxaadda u arkaan jab, aamusnaantana u arkaan jab, laakiin waxaysan ogayn cafintu waa mid ka mid ah tilmaamaha lagu garto dadka leh awood maskaxeed, ogna wax dantooda ah. Alle wuxuu leeyahay: “Cafiska (dheeraadka ah) qaado, wanaaggana far, kana jeedso kuwa jaahiliinta ah”. 

WQ Abubakar Mohammed 

Qoraaga Buuga: Ku Raaxeyso Noloshaada & Daawada Murugada

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post