2190 Views

Tabashada Jubbaland ee taliye Bogmadow oo la xalinayo

Tabashada Jubbaland ee taliye Bogmadow oo la xalinayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Taliyaha cusub ee Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo lagu xalinayo khilaafkii ka dhashay Magacaabistiisa.

Magacaabista Taliyahan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland, taasi oo sababtay in Jubbaland ay Taliye Bogmadow ka soo celiso garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo wareysi siiyay Shabakada Qaranimo Online ee Muqdisho ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso xalinta khilaafka ka dhashay Magacaabistiisa.

Taliyaha ayaa xusay in uu ka howlgalayo dhamaan magaalooyinka iyo degaanada Jubbaland, dagaalna uu la galayo ururka Al-Shabaab, si guud ahaan degaanada Jubbaland looga saaro Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Jubbaland laga qancinayo cabashooyinka ay qabanaan iyo dhaliisha ay u jeedinayaan Madaxda dowladda dhexe oo ku saabsan hanaanka loo maray magacaabistiisa.

“Khilaafkii yaraa ee dhacay waala xalinayaa, laakiin waa waxa ay aheyd arrin fool xun oo aan loo baahneyn oo maamulka uu ku kacay, annaga iyo maamulka isku ujeedo baynu nahay oo ah inaan Shabaab ka saarno dalka.” Ayuu yiri Taliye Bogmadow.

Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow Taliyaha Cusub ee Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa xilkan markii loo magacaabay waxa loo diiday inuu ka dago Magaalada Kismaayo ka dibna waxa uu xilka kula wareegay Magaalada Garbahaareey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo dhisi lahaa dhammaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka marka ay ka baxaan dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment