987 Views

Baarlamaanka Labada Aqal oo Wadajir u ansixinaya Habraaca Dib u eegista Dastuurka

Baarlamaanka Labada Aqal oo Wadajir u ansixinaya Habraaca Dib u eegista Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo kulankan uu yahay kii 3aad oo wadajir ay u yeeshaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

 

Ajandaha kulankan ayaa ah meel marinta Habraaca dib u eegista Dastuurka, iyadoo warbixin looga dhageysanayo Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.

 

Kulankan ayaa ku furmay illaa 186 Xildhibaano iyo Senator, iyadoo Guddoonka labada Aqal oo dhammeystiran ay kulanka u shir guddoominayaan.

 

Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.

 

Labada Aqal ayaa la filayaa inay si wadajir ah u ansixiyaan Habraaca dib u eegista Dastuurka, iyadoo la filayo in marka la soo dhameystiro dib u eegista Dastuurka in dib loogu soo celiyo Labada Aqal bisha June ee sanadka soo socda, si wax ka bedel loogu sameeyo.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment