945 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo shegay in uu ku fashilmay ka hor taga Roobabka dhibatada Muqdisho u gesta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo  shegay in uu ku fashilmay ka hor taga Roobabka dhibatada Muqdisho u gesta.
____________________________________________________________________________

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah.

“9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho, maamulka Gobolka Banaadir & Khubaro heer caalami ah ayaa sameeyay daraasad xal loogu helayo biyo deneenada si meelo ay maraan loo helo, balse qiimeynta lasoo saaray ee ku baxeyso ay tahay $337 Milyan, Bangiga Adduunka ayaa ballanqaaday $37-Doollar, haddaba maamulka Gobolka Banaadir ma awoodo bixinta $300 Milyan Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidaas yiri xili uu Warbaahinta uu u aqriyay warka kasoo baxay maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Gobolka Banaadir 2-da November 2020 ayaa u sheegay in dadka kunool Muqdisho ay yihiin Canshuur bixiyaal, sidaas awgeed ay xaq u leeyihiin helitaanka waddooyin wanaagsan oo ay maraan.

Rooble ayaa fadhiga ka sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka gaabiyay howsha la xiriirta furista waddooyinka biyaha roobka jaray & in ay ogaadaan muddo todobaad ah waxa ay ka qabtaan howshaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post