1023 Views

Dood ka dhalatay Ciidanka Itoobiya ee la geeyay Dhuusamareeb

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 30- 2019 —Dood ayaa ka dhalatay Ciidamo Itoobiyaan oo la geeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda mamulka Galmudug, kuwaasoo dadka qaarkood ay sheegeen in aysan qeyb ka heyn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Saacaddihii lasoo dhaafay ayay soo shaacbaxday dooda ku aadan Ciidanka Itoobiya sababta keentay in xilligaan la geeyo Magaalada Dhuusamareeb oo ka mid ah meelaha ugu ammaanka badan Soomaaliya.

 

 

 

Musharax Cabdiraxmaan Odowaa oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in ay ku Afduubato doorashadda Galmudug Ciidan Itoobiyaan sidii ka dhacday doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.

 

“Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.

Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia” ayuu yiri Musharax Xildhibaan Maxamed Xuseen Odawaa.

 

Waxaa uu hadalkiisa kusii daray “Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo”

 

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran oo qeyb ka ah Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya ay horay u joogeen Magaalada, islamarkaana ay qeyb ka yihiin Ciidanka AMISOM ee ku sugan Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

 

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan C/xakiin Maalin.

 

“Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhankood si aad ah maanta uga hadlaya Arrimaha ku aadan Ciidanka Itoobiya ee la geeyay Dhuusamareeb in ay ku lug yeelan doonaan doorashadda maamulka Galmudug.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment