1413 Views

Puntland oo sheegtay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis ku soo arooray gudniinka gabdhaha.

Puntland oo  sheegtay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis  ku soo arooray gudniinka gabdhaha.
____________________________________________________________________________

June 18, 2021

Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis saxiixa oo ku soo arooray gudniinka gabdhaha.

“Gabdhaha gudniinkooda sharciga Islaamka markii la eego, waxaa wax laga qaataa kitaabka, sunnada Nabiga SCW iyo umadda qiyaasteeda, hal Aayad oo sheegaysa in ay ku soo aroortay gudniinka gabdhaha ma jirto, hal Xadiis oo saxiixa oo sheegaya in gabdhaha la gudi karana ma jiro” ayuu yiri Cawil Sheekh Xaamid.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa axaadiista ay culimada qaar u daliishato gudniinka gabdhaha ku tilmaamay kuwo daciifa oo aan axkaamta loo xujeysan karin.

Wasiir Xaamid wuxuu xusay in cidii dood sharciyeed ka qabta xeerka gudniinka gabdhaha ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay kala hadasho arrintaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha yahay mabda’ ay qabto Xukuumadda Puntland, aysana jirin cid gaara oo gadaal ka riixaysa.

Wasiirka Caddaaladda ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland ugu jawaabayeen qaar ka mid ah culimada oo ka hormiyid xeerka gudniinka gabdhaha ee horyaalla Baarlamaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post