363 Views

Urur Goboleedka Ecowas oo wefdi sare u diray dalka Burkina Faso

Urur Goboleedka Ecowas oo wefdi sare u diray dalka Burkina Faso
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 5, 2022

Wafdi ka socda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa gaaray Burkina Faso, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan hogaamiyaha cusub ee militariga dalkaas, Ibrahim Traoré.

Waxa uu xukunka kula wareegay Jimcihii afgambigii labaad ee dalka ka dhacay sanadkan kaas oo ka dhashay amni darada sii kordheysa oo weeraro badan ay ka geysteen mintidiin Islaami ah. Hoggaamiyihii xukunka laga tuuray ayaa hadda ku sugan Togo.

Ergada Ecowas ayay u badan tahay inay ku boorin doonaan hogaamiyaha cusub inuu ku adkeysto hindiseyaashii hore ee ahaa in doorasho la qabto bartamaha sanadka 2024-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post