627 Views

Puntland oo shaacisay qorsho la xiriira Amniga

Puntland oo shaacisay qorsho la xiriira Amniga
____________________________________________________________________________

Taliyaha xabsiga dhaxe Gobolka Mudug ee Puntland Gashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo kaga hadlay howlgallada la dagaallanka Al-Shabaab ee ka socanaya Gobolka Mudug, isla markaana ay si wadjir ah isaga kaashanayaan ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay doorkooda ka qaataan olalaha balaaran ee la dagaallanka Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay bilbeen adeegsiga qorshayaal cusub.

Taliye Aadan ayaa markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ku aadan in la garab istaago ciidamada Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada isbiirsanaya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post