465 Views

Erdogan “ Waxaan joognaa marxaladdii ugu sarreysay siyaasad ahaan, ciidan ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba

Erdogan “ Waxaan joognaa marxaladdii ugu sarreysay siyaasad ahaan, ciidan ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba
____________________________________________________________________________

Arbaco:AUGUST 10, 2022

Guulo diblomaasiyadeed oo xiriir ah, oo ay ugu dambeysay heshiiskii Ruushka iyo Ukraine ee ahaa in dib loo bilaabo dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan xoogaa nafis ah ka siinaya colaadda dhaqaale ee Turkiga, taas oo bixineysa sharraxaad ku saabsan istaraatiijiyadiisa ololaha doorashada ee sanadka soo socda.

Isaga oo isku diyaarinaya doorashada noqon karta tii ugu adkeyd ee ku dhawaad 20-ka sano ee uu xukunka hayay, ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ka faa’ideysanayaa wax qabadkiisii uu ka gaaray masraxa caalamka.

“Turkiga waxa uu marayaa waayihiisii ugu xoogganaa siyaasad ahaan, militari ahaan iyo diblumaasiyad ahaan” ayuu u sheegay kumanaan qof oo ku sugnaa waqooyi galbeed Turkiga dhamaadkii isbuucaan, maalin kadib markii uu wadahadalo kula yeeshay Ruushka madaxweyne Vladimir Putin.

Imaaraadka Carabta oo Turkiga kaga aragti duwan dagaalka sokeeye ee Liibiya iyo khilaafka Khaliijka ee Qadar oo heshiisyo lacag is dhaafsi ah kula jira Ankara , kuwaas oo ku kacaya 28 bilyan oo doolar.

Turkiga ayaa sidoo kale rajeynaya inuu heshiis la galo Sacuudiga, isaga oo dhinaca kale qaaday tallaabooyin uu ku wanaajinayo xiriirka Masar iyo Israel.

Horumarka arrimaha caalamiga, wuxuu ka duwan yahay sawirka dhaqaale ee aan wanaagsaneyn ee ka jira gudaha Turkiga, iyadoo sicir-bararku uu kor u kacay 79% iyo lacagta liraha oo kusii dhawaaneysa meeshii ugu hooseysay.

Mucaaradku waxay Erdogan ‘ku eedeeyaan siyaasadaha dhaqaale ee aan caadiga ahayn’ oo ay ku jiraan taxane isdaba joogga ah oo dulsaar-dhimista, inkastoo sicir-bararka sarreeyo shaqada looga eryay saddex guddoomiye bangiyada dhexe tan iyo 2019, taas oo ka dhigtay waddanku inuu galo xisaab-darro weyn oo hadda jirta oo uu ku tiirsanaado maalgelinta dibadda ah si loo taageero dhaqaalaha.

Erdogan waxa uu sheegay in mira siyaasadda dhaqaalaa ee dawladda – oo mudnaanta la siinayo dhoofinta, wax-soo-saarka iyo maalgashiga –ay si cad u muuqan doonaan rubuca hore ee sannadka 2023-ka.

Erdogan oo ah gogaamiyihii ugu xukunka dheeraa, ahna siyaasiga ugu awooda badan tan iyo Mustafa Kemal Ataturk oo ahaa aas-aasihii Turkiga casriga ah qarni ka hor, ayaa wajahaya ku dhawaad doorashooyin baarlamaani iyo madaxtinimo oo dhacaya bisha June ee 2023.

Sahad aragtoda dad weynaha ah oo ay sameysay Metropoll asbuucii hore ayaa muujisay taageerada xisbigiisa AK oo kor u kacday wax yar ilaa 33.8%, boqolkiiba, balse waxa uu wajahayaa isbahaysi dabacsan oo ay ku midaysan yihiin xisbiyada mucaaridka ah, waxaana sahanku uu muujinaysaa inuu ka horreeyo musharixiinta u taagan madaxtinimada ee mucaaradka.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post