1242 Views

Rooble “Waxaa ayaan darro ah iyadoo lagu jiro sannadka 2021, in uu qof sheegto in uu qabsaday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Rooble “Waxaa ayaan darro ah iyadoo lagu jiro sannadka 2021, in uu qof sheegto in uu qabsaday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhacdoodiyinkii 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada  Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo muuqaal uu soo duubey lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto.

“Waxaa ayaan darro ah iyadoo lagu jiro sannadka 2021, in uu qof sheegto in uu qabsaday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyo in aysan dalka dowlad ka jirin, waana arrin foolxumo ah” ayuu yiri Rooble.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri ” Waxaa ayaan daro ah  in ciidamadii mas’uulka ka ahaa amniga dalka weerar lagu qaado”.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu dhowr jeer isku dayay in uu la kulmo madaxda mucaaradka.

“Siyaasiyiinta waan la hadlay, guryahooda ayaa loogu tagey, waa nasiib darro in warkeyga la tix gelin waayo, waa nasiib darro in la diiday in la ila kulmo” ayuu yiri Mr Rooble

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan dowladdu aqbaleyn bannaabax hubeysan.

“Raali kama nihin mudaharaad la soo abaabulay oo ay ciidamo horkacayaan, kuwaasi oo ka soo horjeeda ciidamadii dowladda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post