291 Views

Wasiirka Amniga Israa’iil oo booqasho daandaansi ah ku tagay masjidka Al-Aqsa

Wasiirka Amniga Israa’iil oo booqasho daandaansi ah ku tagay masjidka Al-Aqsa
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3, 2023

Wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta fog, Itamar Ben-Gvir ayaa manta oo talaado ah galay dhismaha uu ku yaallo masjidka Al-Aqsa ee bariga magaalada Quddus ee la haysto, tallaabadaas oo falastiiniyiinta ay ku tilmaameen daandaansi aan hore loo arag.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso weerarka uu wasiirka xagjirka ah ku qaaday masjidka Al-Aqsa,waxaana arrintaasi loo arkaa  daandaansi aan hore loo arag iyo xiisad khatar ah  oo sii hurinaysa colaadaha hadda jira.

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil iyo ra’iisul wasaarihii hore Yair Lapid ayaa ka digay in booqashada Ben-Gvir ay dhalin doonto rabshado iyo xiisado kale ooh or leh.

Falastiiniyiinta ayaa ka cabsi qaba in arrintan ay horseeddo isbedel ku yimaada xaaladda jirta hadda,iyadoo Israa’iiliyiinta midigta fog ay ku baaqayeen in macbad ay leeyihiin Yuhuuddu looga dhiso hadhaaga Masjidka Al Aqsa.

Wasiirka Amniga Israa’iil ayaa kamid ah xukuumadda cusub ee la dhaariyay todobaadkaan,waxaana hogaamiya r/wasaare Benjamin Netanyahu oo marar kala duwan soo qabtay xilkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post