2370 Views

Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya Tusaale xun u soo qaatay

Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya Tusaale xun u soo qaatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 9, 2019 – Madaxweynaha Uganda ayaa markale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya xilli dhawaan lagu xasuusto in uu weerar ku qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay meel aysan ka jirin dowlad.

 

Dalka Uganda dhawaan waxaa ka dhacday in uu dharbaaxay Askari ka mid ah Ciidanka dalkaasi haweenay ka mid aheyd Ciidanka Taraafidda, waxaana qabsaday baraha bulshadda Muuqaal laga duubay Askarigaasi oo bulshadda ay si weyn uga Caroodeen.

 

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dadka dhaqanka xun oo Askarta ay qeyb ka yihiin ay u musaafirin doonaan Soomaaliya,halkaasoo uu sheegay in looga dhaqmo sidda ay rabaan.

 

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal u galka Soomaaliya , Maxaayeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment