432 Views

Oday da’diisu tahay 69 jir oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa Jaamacad ku biiray isaga oo go’aansaday inuu da’daasi wax ku barto.

Oday da’diisu tahay 69 jir oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa Jaamacad ku biiray isaga oo go’aansaday inuu da’daasi wax ku barto.
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Oday da’diisu tahay 69 jir oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa Jaamacad ku biiray isaga oo go’aansaday inuu da’daasi wax ku barto.

Odaygan oo lagu magacaabo Taaddese Gichile oo horraanti sanadkan dugsi sare ka baxay wuxuu keenay 502 dhibcood dhibcahaasi oo u dhigma (B).

Waxaana Taaddese lagu meeleeyey Jaamacadda Jimmaa ‘Kulliyadda Teknoolojiyadda’ oo ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dalka Itoobiya.

Tadese wuxuu haatan Jaamacadda wax kula bartaa arday uu awoowe u noqon kara.

“Aniga weligey waxaan ku taami jiray inaan mar un jaamacad galo aniga oo aad uga xumaan jiray waaliddiinteeda iney waxbarasha I geynin, laakiin maanta go’aanka gacanteyda ayuu ku jiraa sidaa ayaanna ku go’aansaday aniga oo 57 jir ah inaan dugsi sara billaabo, 12 sana kaddibna aan jaamacad ku biro,” ayuu yiri oday Tadese Gichile oo FBC u warramay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post