192 Views

Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur oo siwayn u dhaliilay wadooyinka Muqdisho ee Xidhan

Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur oo  siwayn u dhaliilay wadooyinka Muqdisho ee Xidhan
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 29, 2022

Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur oo Madaxwayne Xasan sheikh u magacaabay Ergayga Abaaraha ayaa goor-dhowayd siwayn u dhaliilay, wadooyinka Muqdisho ee Xidhan, Kadib markii bulshadu soo Xasuusisay Qoraalo uu horay u baahiyey Xiligii Madaxwayne Farmaajo.

AKHRISO.

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post