516 Views

Ra’iisal wasaare Abiy iyo Fallaagada Tigray People’s Liberation Front TPLF oo “isu soo dhawaaday

Ra’iisal wasaare Abiy iyo Fallaagada Tigray People’s Liberation Front  TPLF oo “isu soo dhawaaday
____________________________________________________________________________

January 29, 2022

Fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee mudada sanadka ka badan dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, ayaa sheegay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray.

Waraysi uu BBC siiyay hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa.

Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post