918 Views

Madaxa howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya oo hambalyo u dirayay shacabka Jabuuti.

Madaxa howlgalka Midowga Afrika  Soomaaliya oo  hambalyo u dirayay  shacabka Jabuuti.
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Danjire Francisco Madeira ayaa hambalyo u dirayay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda sanad-guurada 44-aad ee Xorriyadda.

Dhambaalka, Danjire Madeira ayaa waxaa uu  ku bogaadiyey ciidamada qalabka Sida ee Jabuuti sida ay naftooda ugu hureen ugana qayb qaateen dadaallada ay Afrika hormuudka ka ahayd ee lagu soo celinayey nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca hoggaanka AMISOM, waxaan ugu hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda dalka Jabuuti sidoo kale waxaa u ku ammaanay kaalinta ay ka geysateen dhisidda Afrika,ilaalinta nabada ,amniga iyo tageerada ay u fidiyeen Soomaaliya ciidamada Midowga Afrika , ”ayuu yiri Danjire Madeira.

Jabuuti waxay xubin muhiim ah ka tahay dadaallada nabadeed ee gobolka ee hoos yimaada urur goboleedka IGAD waxayna ka mid tahay waddamada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ay la socdaan Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post