975 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Wafdi ka socda QM

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Wafdi ka socda QM
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.

 

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay hey’adaha QM ay dowlada hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca amniga iyo dib ud hiska Caasimada.

 

 

 

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka warbixiyay wax yaabihii ay isla meel dhigeen madaxda QM u qaabilsan Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment